| kayd's profileQOLKA SUUGAANTA KAYD MAX...BlogLists | Help |
|
|
IDILWaa gabay u warramay carruurta qurbaha ku dhalatay una sheegaya
sabata iyo dhulkii ay joogi lahaayeen waxa ka taagan (2001).
Idileey amuur baa dhacdoo aabbo kaa dedane
Arxan malaha Soomaalidaa ehel wadaagtaane Asaaggaa markay wada dhinteen uurka maad geline Odayada dhashoodii cunaa oodda noo rogaye Arrinkoodu waa taagan yahay kama ajoodaane waa uumanaa xaajadaan kuu alimayaaye Dayaxaa ilays laga helaa nuurka oogta ahe Oogada haddii uu ka tago madow ku aafeeye Xiddigaha iftiimaa marbay aragga muujaane Afdiinlaha markii laysku riday ololka duulaaya Eebada markay wada ganeen aana kor u yeedhay Afarqaadka socodkii ku nimi meel awow degine Ayaxii markay kala tageen aade meel kale e Uugaabadii gaaladay weli ag joogaane Ilmihii kacaayiyo kuwaan orodka rooraynin Waxa ay ku ababshaan dhallaan aanadii hore e Alifkii quraankiyo intaan edebta loo sheegin Abtirsiimadaa kala gurtaa uurka loo dhigiye Utin buu la korayaa filkaa aarna sugayaaye Abasadu markay nagu dhacdaan eegay taan degaye Amxaar iyo hadday kala yihiin Irish iyo Gaana Eeshiya kuwii degi jiriyo belo aguugaysa Irbaddaynu kala qaadanaa Urubba kii yaalle Ingiriiskan aan wada degnaa nama ikbaaraane Albaabada markay noo fureen noo asxaan fale e Alle ruux yaqaaniyo ninkii aayadaha diiday Eedaanka kii yeedhiyiyo gaalka iman waayey Asluubtiyo sharciga loo dhigay wada ilaashaane Awrkaaga raro waa qurbaha aadka uu yahaye
DHIRBAAXOWAXA UU GABAYGU KU SAABSAN YAHAY DADKA QABIILKII DHULKOODA KA SOO SAARAY EE QURBAHA HADANA KA WADA.
Dhayal looma tiriyoo murtidu dhaxal gal weeyaane Dhuuntiyo hadday kuu fadhido laabta dhinaceeda Ruuxay ku dhalataa hurdada wuu ku dhididaaye Nin waliba halkay kaga dhacduu kaga dhawaaqaaye Waataan dhanbaalkii murtida dhawr ku soo diraye Dhaantada ninkii garanayaa dheesha haw tumo e Dhoolkii hillaaciyo markay heego dhibic keento Nin uun baa ka dhaansada intuu dhiisha buuxsado e Ma dhadhamiyo ruux kale haddaan roob ku soo dhicine Nin dhunkaal u oomani ma cuno dhaylo iyo soore Dhawaaqayga wuu garanayaa ruuxa dhiiglihiye
Dhirbaaxada sokeeyaha markii laysu wada dhiibay Dhababaca la roorkii markii dhinacba qaar aaday Dhulshisheeye soo gaadh ninkii dhawr habben qadaye Isagiyo dhashiishii markii dhinaca loo seexshay Dhuuniga la quutiyo anfaco dheriga loo saaray
Dhaansaday calooshii intuu dhiico faras yeeshay Dhaawaca halkii qoomanayd nabaradii dhoobay Dheecaanku soo galay farii dhaqax la moodaayey Dhudhumada qalloocsamay jilbaha dhaashi kala daalay Dhabannada dalooshamay wejigu soo dhalaal celiyey Dhoobada dagaalkii ninkii dhiigga laga maydhay Dhawdii rasaastii ninkay dhego barjaysiisay Dhawdhawlahii soo fakaday dhaanka muu furine Soo dhigay ninkii dhimanayee gaalku dhaydhayey
Muu dhugan dhibtii soo martiyo dhoofka uu yimiye Dhididkii markuu tiray hadduu dhararaqleeyaaye Dhalanteedka soo maray ma oga dhalashadiisiiye Dhaleecada adduunyada ma garan dhoorka loo sudhaye Dhoohane waxii soo qabsaday dhaaf ismuu odhanne
Muu dhugan dhibtii soo martiyo dhabaqla roorkiiye Dhiillada halkuu kaga yimee dhamacdu duuleysey Dhankiisuu ka sii ololiyaa dhagar ku faanaaye Ka dhaqaaq asaaggii intuu dhurayo reer reere Waa dhabanahays xaajaduu weli dhamooqaaye Dhufayskii ka muu bixin halkuu dhawr ku soo jiraye Dhiriqdii qabiilkiyo ma hadhin haybta loo dhaxaye
Dhururida intay ururiyaan dhawrto lagu siiyey Dhinacooda soo gade hubkiyo dhawle qorigiiye Dhegahoodu way jecelyihiin dhiilladii timiye Soomaalaay dhashaadii cuntoo dhuuxde ubadkiiye Dhurwaagiyo waxaa dabagashaan dhawr ninkii dilaye Dhibiiqiyo waxaad weheshataan dhoobley shilintiiye Laga dhacan adduunyada halkaa dhiriq jafaysaane Dhaqayada ninkii godol yidhaa dhiil ma buuxsado e Dhaqan xumo ninkii tirinayey kula dhawaaqdaaye Dhiidhii hadday moodayaan waa dhab taan idhiye Nin dhadhaab u sheekaynayoo dhagax u heesaaya Dhegaa laga furaysataan ahoo cidiba dhaadayne Dhoorkaa idaaloo wakhtigu wayska dhalanteede Ku dhadhabada qabiilada illayn kama dhergaysaane
ANSHAX
GABBALDAYEWaxa uu ku saabsan yahay gabaygani madaxnimo jacaylka, qabyaaladda iyo sinnaan la’aanta sida takoorka Gabooyaha
ama Midgaha dadka loo yaqaan (1993)
Xaajada gondaha kaaga maran kuna gujaynaysa Gocashada xanuunkiyo halkii gabay la ooyaysa Geeraaradaa lagu sabaa guuxa aan hadhine Anigoo guntiga lay xidhoo gabana oo liita Geeloo arooriyo anoon ceelalyada gaadhin Gurigiyo ardaagiyo anoo gudaha meeraysta Gole laga cayaariyo anoon gabay ku dhaantaynin Anigoo goshii hooyaday gama'lay seexsho Gorofkiyo hadhuubkiyo anoon gudinta lay dhiibin Geediga hayaanka ah anoo gurada lay saaro Gobanimo la qaatiyo anoon garan wixii jooga Lixdankii raggii ii gurmaday in gargaaraayey Gacan baan u dirayaa ninkii guday xilkiiseeye Soddoon guuro iyo waa guyaal gooshkan maanta ahe Gogoshii kuwii baa fadhiya geedka loo dhigaye Gaashaan la ciir baa na wada taniyo goortiiye Gadhcaddaa haddii aad ahayd maanta waa gabaxe Gahaydhkii magool saarayaan gawsku qabanayne Gacayradu dhanaan maleh haddaad goyso duhurkiiye Gocondhadu xanuun maleh intay geed ka lulataaye Waxa guunyo loo sahamiyaa guriga daaqroone Kama guro dadkeennii ninkii garasho dheeraaye qofk kastaa marbuu hawlgabaa sharafna gaadhaaye Oo uu gudoonshaa nin kale kii gadaal yimi Anigiyo gankaygaba la diid inay guddoonshaane Gafanahu wuxuu iiga lulan madaxa guudkiisa Gabaarayda igu yaaciyee garabcas ii keenay Ama ganafka lay yuururee layna gadanaayo Gabbal daye wuxuu iga rabaan garan aqoon waayey ! Gole sare ninkii laga dhigee shicibku gaadhsiiyo Goortii la doortiyo hadday gudubto taariikhdu Gashi naguma yeeshee hadduu godob la meeraayo Anaa lay golleeyahay war xumo beesha gelinaayo Gurmadaay ka soo kaca tolkii galaw ku heesaayo Garaadkii la diidyeey intaa gini la dhiibaayo Garri laysu tumayee mid kale daba guclaynaayo Waxa meesha lagu gaadayee looga go'i waayey Ee geeska loo fiiqayaan garan aqoon waayey ! Goofaadhtan hoosiyo wixii hore innoo gaadhay Amma geel la kala qaadi jirey gulufna raacaayey Guri kii yagleelaba mid kale gurayey ooddiisa Galka laga cabaayiyo biyaha maalku geli waayey Gashi laysku yeeshiyo haddii talo gawaanraacdo Garta Ina Sanweynaa yaqiin garashadeediiye Goortaa la dhaafyoo adduun gelinba waa cayne Immikaa waxii laysku galay gaalku naqayaaye Guddoonshaha ayey wada rabaan loona go'ayaaye Maantay gudoodiga ku tahay meel la garanayne Haddii geesigii idin hor kaca gees la qaban waayo Gaar loo tilmaamoo mid kale gawska dhiganaayo Gujiyaay la leeyahay qabiil maaha gacalkaaye Gacan laysu dhiibiyo hadday garasho kaa duusho Go'a laysu tuuroo wanaag xadhigga loo gooyo Garawshiiyahaa lagu socdaa lays af garan waayo Adaa gabay inaad dawladnimo gaadho weligaaye Gedaankay ka lulataa xornimo mana gargaartaane Geyigoo samaadiyo ha filin guurti nabadeede Gar la sheegoo gaagaabsi qolo geedka laga baano Garoon lagu faqaayiyo xigaal garab is moodaaya Oo kala go'aayoo hadana gees ku diriraaya Ummaad garashadeedii luntoo gaabs talinaayo Oday guraca taagiyo qabiil gadayo maankooda Waxa goosan lagu doonayee gebi innoo diiday gunnadaa la kala boobayee lasu garan waayey Ee loo galaayuusayaan garan aqoon waayey ! Gabooyaha kuwaa ula baxdaan gacal ma moodaane Garoon lagama soo qodin kuwaa gees u erideene Garabrarato weeyaan nimaan guri u oodnayne Guunyadu dhaqmaad male haddaan geedo loo heline Gooddiga la daaqiyo markii geliga loo diiday Waa inuu gantaalaha ridaa mulaca gaadaaye Golfafaha ma deyn karo nimay gaajo dubataaye Garanuugta cawshiyo hadduu goodir qalanaayo Gorayada haddii uu eryado uma garawdaane Gudimada ninkaa kuu tumee gaabsha timahaaga Amma garac neef marinayee ganaca aad siiso Gudis lama amaanine hablaha gooya hilibkooda Girgiraha hadduu kuu xidhxidho waanad garanayne Ima gayo ma guursado haddii laysu wada guuxay Garaadkiinnu wuu fooraraa garanamaysaane Gumeysigu kumuu badin waxaad yeeshay gobolkaaye Adigiyo ninkaa kula gudboon nabarna gaadhsiisay Gaar midab ah ruuxii leh baa lagu garbeeyaaye Gabbal lagu tilmaamiyo haddii goobo lagu sheegay Adiguba galaal baad qabtaa guudka oogada e Adduunyada haddaad geli lahayd gaanka lagu noolyey Garab shiilin gawaha la dhamo gol iyo laab raacda Gasiin adi lagu doorayoo gooni loo kariyey Gogoshaada may kala wadheen gaari loo diraye Isna lama guhaadsheen intoo gooni loo diro e Gommod lagu harraadiyo lafaa lama guddoonsheene Gabno looma dhiijeen hashaan godolka qaadayne Adigaa garaadada xidhee Guulle muu odhane Garays waxaan u saaree nin kale gun ugu sheegaayo Amma gob iyo faankeed yahaan garan aqoon waayey ! Markii dunida gaar loo dhigee Guulle kor u taagay Gabaahiira waa tii ahayd gebi ahaanteede Markii Aadan guudkeeda yimi Xaawa laga gooye Tarankii iswada gaadhayee kala gaboobaayey Tiro laguma soo guurin karo taniyo goortaase Guuleed Warfaa iyo haddaad Geydhe marinayso Guutaale waa laga tegee Carabta gaadhsiiso Garooc baad ka sheegtee ma tirin guutadii hore e Ummadii gaboobiyo kuwaa dunida guud jooga Giddigood walaalaa tihiin gaanka aadmiga e Gaalkaad sinaydeen ma ogid goobta uu dego Gubadkii adaa baadhayee guure lagu dhaafe Abtirsiimadaa kala gurtaan gubasho weeyaane giraantaa wakhtiga soo martee dib u geddoomaysa Soomaalidaa garan taqaan geesta loo wado e Waxaan hayb u sii gocanayee una god raacaayo Ee gaamurkii ugu abtirin Guba la soo dhaafye Gooryaanle ii noqonayaan garan aqoon waayey ! Inta lays gilgilayee madfaca laysu gelinaayo Ee maamulkii loo guntaday guudka sare joogey Waa kaa dhulkeenni galbaday xaalufkii gudhaye Galoolkiyo maraagii haddii xididka loo gooyey Oo aad gammuurteen dhirtii lana garaacaayo Gabbood lama fadhiistoo dhulkii gelengel weeyaane Gorofkiyo tigaaddii halkii geelu miranaayey Gaashan dhiggaad ururiseen gaadhi marinaayo Gawaantaa u oodaan nafluhu kuma guyeystaane Gosha midhaha lagu soo ridiyo xabagta gaagaaban Geel jire ma haybsado wuxuu gurayey hoobaan Gooshiyo libaaxii sidii gorayga loo waayey Guunyana inay kaa baxdaad galabta joogtaane Geed uu fadhiistiyo markuu laanta geli waayey Gorgorkii wuxuu kaaga tegey gaajo iyo oone Kiiniya ugaadhii gashay doollar gurayaane Gollidaa la dhaqayaa adaa gaabshay noloshiiye Gabannada kacaayiyo kuwaa goor la dhali doono Giriyaad ninkii uga tegow waa garoon madhan e Gobblan talo adduunyooy maxaa gabay laguu sheegay. HORMO WADE
Waxa uu gabaygan ku saabsan yahay dhaqanka Soomaalida ee aan isbedelin amma aan la jaan qaadin ummadaha kale, waxaana ka mid ah noloshii miyaga ee ku dhisnayd dhaqankii hore oo hadda ay ummaddu rabto in ay dawlad ku dhisaan.Madax dhaqameedyada oo adduunku ka tegey laakiin soomalidu weli daba socoto.
Habka gabay higgaaddiyo naxwaha hilinka loo xaadhay Nin waliba halkuu maaggan yahay wuu hummaajiyiye Horaan kuugu sheegee murtida waa ka huruddaane Intuu haraggu nool yahay maalaa igama hooydaane Markaan hoyga aakhiro galaa ka hadli doontaane Kamaad helin halkaan kula mariyo hadaladaydiiye Hog daloola haadaan la qoday hul iyo meel jeexan Haadaaqda waataan ka digey hoosta loo galaye Adduunyadu hayaan bay ku jiri waana la hubaaye Halkii uun ma taagnee wakhtigu waa hadhkoo kale e Halkaad caawa joogtaa mid kale soo higsanayaaye Soomaalaay habeen baad tahoo maad hanbaabirine Adaa heetinaayee nin kale hiirta kaa durugye Nin habaas butaystaan ahoo hawd dhex yuurura e Hawadaa la marayaa anoo hooska jiifsada e Hakashada waxaa kuugu wacan hor u kac kuu diiday Amma hoos innoo dhigay malaa hadiba maysaane Balaan kuu higgaadshee mar kale hooya taladayda
Hormo wade dadkoo hal iyo mida hayb u kala sooce Boqor haarrinaayiyo Suldaan soo hor kaca beesha Shaydaan hunduudiyo Garaad kama hawootaane Ninka hadhaca loo xaadhayaa waa habkii tegeye Adduunyadu horay uga martoo waa hayaan socode Horaa looga jiitee adaa haysta weligaaye Sawdigan Habtii weli ku jira hore wixii joogey Illayn waa hantaaqada wakhtiga hoos innoo dhigaye Bal inay habaar tahay maxaa looga hadhi waayey?
Habka dawlad lagu maamulaa lagu heshiiyaaye Hurdankii sokeeyaha markay habar la yeedhayso Odayaasha hootada la koray hadal ka dhawrayso Iyagoo harraadkii melmeley haro biyii laacday Oo aan hadhuudh iyo bariis hoyga lagu sheegin Hubka laba dhacaayiyo rasaas holac ka duulaayo Hoobiyaha ninkii soo rogaa waw habeen dhalade Iyana waa hantaaqada wakhtiga hoos innoo dhigaye Bal inay habaar tahay maxaa looga hadhi waayey?
Dagaal huriye haybtuu noqdiyo haanka lagu sheego Halyey buu u yahay reerka dhalay kun hagoogtaane Haawiya hadduu gala yidhaa waa hinqanayaane Ma hubsado hacoogii qabiil soo hoggaan baraye Isagoo halaag iyo ku wada hawker iyo dhiillo Hoorrigu ninkiisii u kacay waw halgamayaaye Hareeraha waxay uga socdaan hiilla ugu deeqi Ee ay u wada heeggan tahay waa hoggaanshaha e Iyana waa hantaaqada wakhtiga hoos innoo dhigaye Bal inay habaar tahay maxaa looga hadhi waayey?
Hoolifloow libaax iyo shabeel soo hunduda kaynta Bahalaha hadaafiyo kuway shiishu qarinayso Haylaha mid kuu gala maskiyo hararka qaar jiifa Hurgumada abeeskiyo intuu halaqu kaa laayey Amma uu harraad dilay markuu hawd ku macaluulay Haddii aan hareer dhigo intii hanaqa aad goysey Amma hanaddo kaa tegey adaa hoos u gawracaye Iyagaa hubaashii ka badan tan iyo Haabiile Hilbahiinna cuna uumiyuhu idinku haasawye Iyana waa hantaaqada wakhtiga hoos innoo dhigaye Bal inay habaar tahay maxaa looga hadhi waayey?
Hinqashada qaxoontiga markay kala huleelayso Haweenkiyo carruurtii markuu hugun ka yeedhaayo Hooyadu baroortii markay hoogay kor u yeedho Ee ay hengelihii caddaa hayle wada qaaddo Haad soo gableeyiyo dhurwaa hilibka uu feento Ayaa heello wiirsiga mid kale soo halaanhaliye Huuhuuda faankiyo markuu habacu faanaayo Oo hebel anaa dilay mid kale ku hindiwaasaayo Haasaawahaa laga guraa lagu habsaamaaye Iyana waa hantaaqada wakhtiga hoos innoo dhigaye Bal inay habaar tahay maxaa looga hadhi waayey?
Hanti iyo dhaqmaad xoolihii hibo laguu siiyey Haldhaagiyo biciidkii kuwii hawdka miranaayey Kaymaha hadoodilan kuwii hadhaca joogjoogey Hariiryaalihii goodirkii hoobte deeradiye Haaruun faciisaa rogmaday heeliyaan dhalanne Holholkii kamaad jarin midkay heertay qodaxdiiye Hurunshaha baxaayiyo markuu holacu soo gaadhay Dhulka haawanaayiyo dhirtaa cidi hanbaynaynin Ma hadhsado hadhaagii baxsaday habar dugaaggiiye Haarriye ugaadhii markay halasa jiidheene Hunguuftiga ka oogsade markaa harag u tuurteene Haankaa u goyseen naflii waana haayiraye Ka huleel hayiin iyo dayiin hud iyo ceelkiiye Iyana waa hantaaqada wakhtiga hoos innoo dhigaye Bal inay habaar tahay maxaa looga hadhi waayey?
QALALAASEQalalaase joogiyo
Qiiqiyo wareerkiyo Qaxarkaa daweeyoo Qaabkay u socotiyo Qisadeennu yaab lehe Qubuuraha maxaa jira? Kolka lays qanjaafee Tani kala qaxaysee Qarfe laysu jiifsado Quudkii la waayee Qaadiro hamaansiga Qadoodiga ku seexdaan Qori kii cuskanayee Qaadi waayey laafyaha Laga qaxo nin litee Quban yahay dadweynii Qunyar joogsan waayoo Qoollaali socodkii Qamuunyaysi daymada Qabqablaha u soo baxa Qaraxiyo hubsiiyee Qaybinaaya ololkaa Loo wada qushuucaa Qalloocay wadaagaan Isma qabato weeyaan. Ma qatoobo ruuxii Ku quraacday dhaydoo Marka lays qalaayey Isu qayshataayoo Qorigiyo rasaastay Isu qaadataayoo Marka qawdu yeedhaa Rag qadaynayaayoo Qosol raaciyaanoo Marka qoonsimaad dhaco Quduraaba joogtoo Qilaafaad markuu jiro Ninba qolo ku toosyoo Quruumii wixii jirey Qaantii la kala galay Kama quusto reerkii Qaalmii la kala dhacay Laga qaaday geeloo Qabqab dhaafa mooyee Nabad lagu ma qooqee Waa maxay qasuubadu? Qawaaniinta aadmigu Maba qabanayaanoo Nin qabiil ku faanoo Ka hadlaaya qaaxad Qabqableeya mooyee Qunyar socod la diidyoo Qaraxaad ku nooshayee Miyaad qaran u dhawdahay ? Sawdigan is kala qubay U quturay xigaalkaa Qoqobaha ku kala jira Qabiilkii wax kuu yahay Quruumaa adduunyada Qorraxdaa la marayaa Qayrkaa la beretemi? Maxay quruxi kuu tahay ? Ubadkaaga qaawani Qadhqadhyada habeenkii Qayd laguma seexdoo Qolqol laguma dheeloo Qashinkii la tuuriyo Qodaxdaa mudaysoo Qarshadaa ku jabiseen Qoobkay wareentaye Qosol maadigaa kara ? Ado qalay walaalkaa Qoyskii aqoon yahay Qatan tahay carruurtii Qormaday hadhsanayeen Lagu qubay madaafiic Qudhacii hadhsanayaan Qandho ay u dheertahay Illayn quduro yaab leh Miyaad qiimo leedahay? Qallashay dhirtaadii Qod dhacaaya mooyee Miyaa qori ku beertaan Qararida ayaa jaray Ma qonbobay galoolkii Qawlkii miyuu baxay In uu qiiqo mooyee Maxaad ula qabweyn tahay? Adoo qiiqa soo shiday maantana qaxoontiya Qormadaada soo gubay Qarni hore wixii jirey Qoloqolo ogsoonoo Qaar qaar la kala yahay Sawdigan qamaamka ah Qarafaysanaayee Quruumii adduunyadu Qaxwahii inoo shubay Halkaad qodi lahayd beer Qarahiyo hadhuudhkii Quudkii ka falilayd Quwad waxaad u leedahay Qormo xuuxa kula dega Qabiil kula wadaagine Dhulka qaaradaa jira Qoloqolo markay tahay Qoqobaynnu leenoo Qaybteennu waa mide Sawkaa qindhicilkii kugu soo qamaamee qarka soo jafaayee Kugu qubay madaafiic Hablahaaga qaysaday Haddii aan isqalanoo Qabiil dhaafi weydaan Wallee qoomamaa xigi Qoon kale ayaa degi Qaadanaaya taan ogey. DHURDEASTAAMAHA QABIILISTAHA SUUGAANTU WAA DHIBIC NIN QABIIL KU DHAATOO
DHAMAY CAANAHEEDII MA KU DHAASHATAA REER? INTA AAN DHALIIL IDHI HADDAY KULA DHANAAN TAHAY
DHAQ MIYAAD IS LEEDAHAY? DHAMAC RAAGTEY WEEYAAN DHAWAAQII WANAAGSANI DHEGADOODU DIIDOO KAMA DHAADHACAAYEE MAANIGAA DHADHAABIYO DHAGAX TUUJINAAYOO DHUUXAAYA MEEL MADHAN DHIDAARKII SALAADDII DHARAQDHOON LA SOO KACAY GOORTUU DHARAARSADAY RAG KA DHIGAN AYAA JIRA DHOOHANE SIDUU QABO DHIKILAHA BIYAA QUBAY DHINACYADU DALOOLAAN KUWA DHAAMINAAYOO U DHARDHAARAYAA BADAN
DHAQANOW BA’A WEEYAAN DALMARMaansadani waxay ku saabsan tahay qurbaha iyo halkgankii lagu riday dawladdii Siyaad Barre waxaanay ahayd sannadkii 1990. Inkastoon dabuub gabay Anigoo doc jiifoo U darsaday dhulkaygii Dacwadoodi joogtaa Doodiina noo furan Diintii Islaamkiyo Dooxii Hargeysiyo
SAXAR QAADMaansadani waxay ku saabsan tahay dawladdii Siyaad Barre iyo xilligii uu
dalka ka talinaayey.
Siigada dhacaysiyo
Sulfkiyo dabaylaha
Sebenkiyo abaaraha
Saxariirka gaajada
Siliciyo dhibaatada
Soortii la cuni jirey
Sicirkeedu uu kacay
Sebigaa dhawaaqee
Safka loogu jira iyo
Sakatiga agoontii
Laga dhacay sadkeedii
Ee saanad qiiqdiyo
Sunta loogu soo gaday
Sawir beena la hor dhigay
Sasabada dhallaankee
Nin siddeetan joogiyo
Sancadaaga lagu yidhi
Ee sacabka lagu daray
Sad bursiimo hoosiyo
Sanqashada qabiilnimo
Ma sinaanta guub baa?
Mise waa si gooniya?
Sirtu laabyo badanaa
Saldhigeedu weynaa
Seeskeedu dheeraa
Sillanaa ujeedadu
Sa'da kale waxay tahay
Wakhtigaa sirgacanee
Sawraca tilmaantiyo
Sifahiisu uu yahay
Ninka seefta qaatee
Surmadiisu joogtee
Nacas iyo sillooniyo
Sacsac talo uu dhiibee
Aaminay sawaabkee
Soddog iyo inaadeer
Seediga dan moodee
Kana dhigay safiirada
Iyo wada saraakiil
Saraha ka naaxoo
Sabaradu qarqoormeen
Suunkiina kala jaray
Iyo kaa sagaal qaday
Ee soonka daayimay
Sahwiyaayey waayada
Weli samir Ayuub qaba
Ninka Sidigta maalow
Illaa sumal la gawraco
Samadaa korkiisiyo
Xidigaha siraadka leh
Sare uma jalleecee
Xadhigaad samaysee
Gacantaadu soohdee
Sulbinaysay waayiyo
Sunta aad walaaqdee
Subag iigu sheegtaa
Sababtaada joogiye
Sadqo yaan lagaa tirin
Siinleey laguu marin
Saqdhaxaad gudaysaa
Sahaly li' jid lama maro
Sahan li' cid lama raro
Suryo oodhan lama galo
Sandullana cid lama xidho
Adiguna siyaadow
Saryankaad qalaysaa
Sooryada hadmuu tari?
Sarta aad ku nooshahay
Sawsawle yay noqon
Dhulku kuma sidaayoo
Kuma saamaxaayoo
Adigaa sulaaqoo
Waa kaad sinbiidhaye
Siidhiga markaan tumo
Ma cirkaad sallaan dhigan
Samadaad ergo u diri
Seleshaye xaggeed qaban?
Socotaye xaggeed tegi?
Sanqadh li' miyaad lumi?
(Maxaa ka dambeeyey?, waad ogtahay)
SOMAALI BAAN AHAYAstaamaha xun ee Soomaalida ayey maansadu ka hadlaysaa. Soomaali baan ahay Anigoo sansaankiyo Sinta ceerigaabiyo Noloshaydu waa subax Sahankaygu waa debed Dunidoo sodcaashoo Subaxii la joogaba
BARAHAGabaygani waxa uu ka sheekaynayaa baraha ama macallinka kaas
oo inna tusaalaynaya in uu baruhu yahay kan tabarka siiya qofkasta oo bulshada kaga jira kaalin weyn. waxaanan tiriyey aniga oo ku jira jaamacadda lafoole 1989kii. Allii dunida uumee aradka meegaaray Aasaas la'aan joojiyee udub ku taageerin Goortuu albaabada u furay aadan soo geliye
Adhaxdiisa xaawoo ka timi oori uga yeelye Ubadkay dhaleen baa tarmoo uunku soo badaye Ayaantaa aqoontiyo cilmiga soo abaabula e Urursade anfaaciga dhirtiyo ubaxa geedaaye Aqal ay galaan bay dhisteen ilaxidh waaweyne Eebada markii ay tunteen soo ugaadhsada e Adhi iyo gammaan bay dhaqdeen ababna siiyeene Iniintay ku beereen dhulkaa soo awaal baxaye Aalaadka fudud bay barteen kuna adeegteene Barbarkeeda bii baa ku taal ba ina waa taase Basadiyo qofkii laga qabsado badaxa baashiisa Barabarah roobkiyo biyaa bululuqlaynaaya Baauurta yaacdiyo kuwaa baalka laga taagay Buuraha ninkaa duminayee babaca goyanaaya Beeraha adduunkiyo nimcada lagu badhaadhaayo Xoolaha baruur laga jariyo hilibka buurbuuran Burcad suba ah goortay dhalaan badhaxa reebaaya Bedladaha dharkaan qaadanee bilicda rooneeya Badhaadhaha adduunkiyo nimcada lagu barwaaqoobay
HAGOOGANEWaxa uu gabaygani ku saabsan yahya qabyaaladda iyo waxyeelooyinka ay leedahay iyo sida ay Soomaali uga reebtay asaaggeed. Hawraarta weedhiyo murtida hadalka miisaaman
Waa lama huraan guurkuyoo wuu habboon yahaye
Jiilaal hangaabsaday dhulkoo halase duulaayo Oo laga harraatiyey darkii hiifna lagu eegay Ruuxay heddiisii gashaan cidina haynayne
Afartaas higgaadaan bartiyo hadallo waayeel dhe
Adduun waa hadhkaa guurayiyo huguf dabaylkaade Nin qabiil hawaystaan marnaba hiishan weligiiye
MADAXWEYNEWaa maanso ku saabsan Daahir Riyaale iyo taariikhdiisii hore iyo maamulkiisa maanta ka taliya Soomaaliland.
Maansadu dareenkay Maradhaamisaayoo Halka maaxdu jiiftiyo Maankay qoddaayoo Waa muraayad waayaha Lagu muujiyaayoo Halka ay ku mudan tahay Muruq baa ku joogoo Maalay qadhaadh iyo Mur hadday ka daran tahay Kama maagto teedoo Maskaxdiyo halbawlaha Marrinnada ka faafay Makhsinnada ku leedoo Maamkeedu yaallaa Qofka mawjadeediyo Mayaygeedu jiidhaa Mir kacuu habeenkii Ereyada maleegaa Miinleey ka curiyaa Halka ay ka midhiq tidhi Ka hillaacday maantana Bal aan muujo taan rabo Erayadan miciinsado Oon sheeko murugtiyo Kala miiro taan qabo Runta aan u meel dayo Meherbay ku dhalataye Maamuus u soo diro Midigteeda hooyoo Ha bedelin macnaha guud Maryihii hiddaa iyo Boqor bay ku marantaye Milgadii ogsoonow Mergi weeye hadalkuye Muurmuuris kala dhawr
Madaxweyne waa kaa Maatada kuwii jaray Marta dumarka siibee Maxstiina gawracay Maaruqay carruurtii Mindiyaha u qaadee Mindiishii saraysiyo Mudacayada xanbaaree Maamulay dhankiisiii
Madaxweyne waa kaa Meydkuu ku joogsday Weli muuqanaayee Mililkii halkuu galay Weli sii madawdahay Dheecaan maleesamay Daadkii habeen mary Weli maydhin dhiiggii Mitidkii dagaalamay Ee macangaggii diray Ka manquushay goobtii Ee miino jiiftiyo La kaceen masbaarradu Maskab caawa loo tirin Ee uu mar dhoofiyo Nin maqnaa ku soo degey Masalaha ka jiitee Maareeya guud iyo Magacii wasiir yahay Moohaarka kii tumay Mooyaana soo helay Masaftuu ku shuba yidhi Meel shisheeye kii tegey Intuu mururuf soo yidhi Ka maroojey tiisii Wada miistay kelidii Muran yahay xaqiisii
Madaxweyne waa kaa Maamulkuu ahaan jirey Maraagay garaaceen Miishaarta lagu jaray Magool saari waayee Midhihiyo canbuushii Morohdii la diirtiyo Meygaagga jiifsaday Muquusiikii abaar yahay Mara boobtu doog tahay Meel kale ha eegin Isagaa markhaatiya Oo maragga kuu furi
Madaxweyne waa kaa Maqashiisa raacee Mayraca habeenkii Maaweelo joogta ah Madadaalinaayee Odayada mirqaankiyo Ugu roon masruufkee Maamuus qabiiliga Mulaciyo abeeskiyo Maska guda habeenkii Kala moosa toodee Isna mahadda leeyahay
Madaxweyne waa kaa Mashaqada la nool yahay Muruqmaal sadkii helin Maalkiina uu baxay Mareegtii la soohiyo Madhan yahay duleedkii Dadku wada mallaaliyo Macal qabad u jeesteen Masaariif ninkii hela Marti badani joogtee Maraq ay wadaagaan Muruqiyo tagoogtiyo Misigtii la kala jaro Dadka kii madluunee Midigtiisa waayana Macaluusha uu qabo Muska jiifsanaayee Isna uu mushaaxee Meel kale u duulee Miciyaha samaystee Ku mashquulay tiisii Muudsaday wuxuu helo U mashxaraddo taan ogey
Madaxweyne waa kaa Maalkii dadweynaha Iyadoon macaaash jirin Mafris lagu fadhiistiyo Murruq jaada mooyee Macano yeelan waayee Iyadooy madaw tahay Maqan yahay ilayskii Majaroor la dhaansado Moodhikaarka guuxiyo Kii socodka maagani Haad wada maraanoo Miiq yahay jidweynuhu Marduufkii la feentiyo Bacdu tahay malaayiin Mulacyaysa suuqyada Mijahiisa sudhan tahay Maanaca habeen odhan Midhiq yahay xashiishkii Malko weyn ka buuxsamay.
DIGRIIDhacii dawladdii Siyaad Barre iyo waxii ka dambeeyey (1991) Haddii gabaygu dookh leeyahoo daawo lagu sheegay
QOLKA SUUGAANTA KAYD MAXAMED CABDALLA |
||||||||||||||||||
|
|